U diyaar garowga Maalinta Jimcaha iyo fadliga ay leedahay wali wax ma iska waydiisay?

Oogista Salaadda Jimcaha, waa mid mihiim u ah qof waloo Muslim ah, waana waajib saaran in uu u diyaar garoobo Tagista Masjidka goor hore si Salaadda uu u soo tukado.

Nabigu CSWS wuxu Yidhi” qofka isaga oo wahsanaya dhayalsada Sadex jimce in aanu tukan, Ilaahay ayaa qalbigiisa ka daboola  Khayrka iyo wanaaga”

Walaalayaal, ha la ilaaliyo Salaadda jimce oo dhayal iyo ciyaar yaanay inagaga Tagin.